Axad, March 08, 2009(HOL): Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa mamnuucay in gaadiidka leh muraayadaha aan la iska arki karin lagu dhex wato gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana loo sheegay ciddii amarkaas u hoggaansami weysa in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in amarka uu soo saaray uu uga gol leeyahay in uu ku sugo ammaanka Gobolka, wuxuuna amarkan ku soo beegmayay iyadoo gudaha gobolka, gaar ahaan magaalada Jowhar ay ku soo badanayeen dhawaanahan Gaadiidka leh muraayadaha aan la arki karin waxa gudaha gaariga ku jira.
Amarkan ayaa wuxuu si gaar ah u saameynayaa Hay’adaha Samafalka ee ka shaqeeya Gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan Magaalada Jowhar, kuwaasi oo inta badan isticmaala gaadiid leh muraayadaha aan la arki karin waxa gudaha Gaariga ku jira.
Magaalada Jowhar ayaa durba waxaa ka bilaabatay in gaadiidka leh muraayadaha noocaas ah laga fujiyo, waxayna tallaabadaas u muuqataa in loo hoggaansamayo amarkii uu soo saaray Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ma ahan markii ugu horeysay oo maamulka ka taliya gobolka Shabeelaha Dhexe uu amar ceynkaas oo kale ah uu ku soo rogo gaadiidka ku dhaqdhaqaaqa gudaha gobolka, waxaana amar midkan la mid ah horay u soo rogay maamulkii uu madaxda ka ahaa Maxamed Dheere oo gobolkaas ka talinayay muddo ka badan shan sano.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia