Oday Dhaqameedyo iyo Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo Dalka Qadar ugu amba baxay Arrimaha Dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta Soomaaliya

Axad, March 08, 2009(HOL): Xubno ka kala socda Hay’adda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed iyo Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa waxay saaka ka amba baxeen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, iyagoo ku sii jeeda Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar.

Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ah Afhayeenka Hay’adda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in socdaalka wafdigaas  uu la xiriiro sidii ay Dowladda Qadar iyo Culumaa’udiin Caalami ah oo  ku sugan Dalkaas uu uga soo hadli lahaayeen arrimo ku saabsan dadaallada xal-doonka ah ee ay ka wadaan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

“Wafdiga waxaa hoggaaminaya Guddoomiyaha Hay’adda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed Shiikh Bashiir Axmed Salaad, wuxuuna isugu jiraa 5 Xubnood oo hay’adda Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ka socda iyo Xubno kale oo iyana ka socda Golaha Guurtida Hawiye”ayuu yiri Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo sheegay in Hay’adda Culumaa’udiinka iyo Odayaasha Dhaqanka Hawiye ay qeyb lixaad leh ka soo qaateen halgankii dalka looga xoreynayay Ciidamadii Itoobiyaanka, haatanna ay ku howlan yihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta dadka iska soo horjeeda.

Shiikh Nuur Baaruud Gurxan waxaa uu intaas ku daray in wafdigan uu Dalka Qadar kula kulmi doono Culumaa’udiin ka socda Caalamka oo dhawaan booqasho ku tegay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isla markaana kulan la qaatay dhinacyada isku haya Soomaaliya, gaar ahaan Madaxda Dowladda Midnimada Qaran, Madaxda Xoogagga ka soo horjeeda iyo Culumaa’udiinka Musaalaxada.

Culuma’udiinka ka socday Caalamka ee dhawaan booqday Magaalada Muqdisho oo ay ku jireen rag Soomaali ah ayaa intii ay Muqdisho ku sugnaayeen waxay xog ka uruursadeen dhinacyad isku haya Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxayna dalka dib uga laabteen iyagoo aan soo saarin wax warbixin ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia