Munaasabadda Xuska Maalinta Haweenka Aduunka 8 Marso oo lagu qabtay Magaalada Beledweyne


Axad, March 08, 2009(HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaasimay isla markaana ay soo qaban qaabiyeen Ururrada Cocwo, Geelo Soomaaliya, Coco, iyo Iman Women Group, laguna maamusayay Maalinta Haweenka Aduunka ee 8 Maarso ayaa lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee Xaruta u ah Goballka Hiiraan.
 
Munaasabada oo ay ka soo qeyb-galeen Mas'uuliyiin ka tirsan Ururada Haweenka ee soo qab qaabiyay Xuska 8 Maarso iyo qaar ka mid ah Gabdhaha wax ka barta Dugsiyada ka dhisan Magaalada ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Wakiilka Goballka Hiiraan ee Coco Faadumo Cago-baruur oo siweyn ugu dheeraatay qiimaha maalinta ay ugu fadhido Haween-weynaha adduunka.
 

Faadumo waxaa ay sheegtay in Sanadihii ugu danbeeyay Haweenka Soomaaliyeed ay la soo darseen dhibaatooyin dhinaca Nolosha ah oo ay sababeen sida ay hadalka u dhigtay Siyaasadaha is-diidan ee ka jira dalka kuwaas oo ku qasbay Haween badan oo Soomaaliyeed in ay isaga cararaan hoygii ay daganaayeen ilaa haddana ay jiraan qaar ka mid ah Haweenka oo ku hoos nool geedaha hoostooda.
 
"Barakaca waxaa ugu darnaa Haweenka dil iyo dhaawac ay kala kulmaan dagaal aysan aqoonin sababta ay u socdaan, waxaan jeclahay in aan farriin u dirno Ragga taasoo ku saabsan in la joojiyo dhibaatooyinka ka dhanka ah Haweenka” ayeey hadalkeeda sii raacisay Faadumo Cago-baruur.
 
Sidoo kale waxaa halkaas hadal kooban ka soo jeedisay Mas'uul ka tirsan Ururka Geelo Soomaaliya oo ka mid ahaa Ururadii soo qaban qaabiyay Munaasabada waxaana uu sheegay in ay la qaato farriinta Faadumo Cago-baruur, iyada oo dhinaca kalana u rajeysay Haweenka Soomaaliyeed Guul iyo Nabad in ay ku gaaraan Sanadka xiga.
 
Dhammaan dhinacyadii Haweenka ee ka soo qeyb-galay Munaasabada 8 Maarso ayaa si weyn ugu faraxsanaa in ay goob-joog ka ahaadaan Xuska Maalintan ku weyn Haweenka Adduunka, xili Magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Gobollka Hiiraan uu ka arrimiyo Maamul Islaami ah.


 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia