Sabti, March 07, 2009(HOL): Madaxwaynaha DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa amar ku bixiyay in aanan Dekadda Bosaaso lagala soo dagi karin baabuurta nooca TOYOTA Surfta kadib digreeto ka soo baxday madaxtooyada Boosaaso.
C/raxmaan Maxamed Faroole oo la hadlay qaar ka mid ah saxaafadda ayaa sheegay in gaarigaan uu calaamad u yahay Burcad Badeedda, isagoo intaasi ku daray in la diiwaan-galinayo Surfta kale ee ku sugan gudaha Deegaannada Maamul Goboleedka Puntland.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Dekadda Boosaaso Maxamed Yare ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono ciddii jabisa amarka Madaxwaynaha. Dekadda magaalada Boosaaso waa isha dhaqaale ee DGPL ,waxaana ka soo dega badeecado kala duwan oo ay ku jiraan qaybaha kala duwan ee Gaadiidka
Gaariga Surfta ayaa labadii sano ee u danbaysay ka mid noqday gawaarida ay ku tamashleeyaan Burcad Badeedda marka ay madax furashada ka qaataan Maraakiibta ay sii daayeen.
Waxaa kaloo lagu xasuustaa gawaarida Surfta in lagu fuliyay Qaraxyadii mataanaha ahaa ee ka kala dhacay magaalooyinka Boosaaso iyo Hargaysa, iyadoo la aaminsan yahay in qaraxyadaasi ay dhibaatooyin kala duwan geysteen.
Faysal Maxamed Hassan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia
Maamulka Puntland oo Mamnuucay adeegsiga Baabuurta Nooca TOYOTA Surf-ta ah
More News
- Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriiska, Khudbadna ka jeediyay Chatham House
- Baarlamaanka Soomaaliya oo dhawaan ansixinaya in Shareecada Islaamka lagu xukumo Dalka Soomaaliya
- Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo oo sheegay in aysan khatar ku ahayn Kenya
- Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo sheegay in haddii Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Sh. Shariif ay hirgeliso ku dhaqanka Shareecada Islaamka uusan ka soo horjeesan doonin
- Midowga Yurub oo heshiis kula galay Dowladda Kenya in Burcad Baddeedda laga soo qabto Soomaaliya lagu maxkamadeeyo Kenya
- Markabkii gubanayay oo laga fogeeyay Dekedda Muqdisho kadib markii lagu guuleysan waayay in la damiyo
- Aabbe iyo Wiil uu dhalay oo u naafoobay dhaawacyo ay u geysteen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Muqdisho ka baxay dhawaan