Sabti, March 07, 2009(HOL): Midowga Yurub iyo Dowladda Kenya ayaa Jimcihii aanu ka soo gudubnay heshiis kala saxiixday, iyadoo heshiiskaasna uu ku saabsanaa in Burcadda Badeedda ee laga soo qabto Soomaaliya lagu maxkamadeeyo Kenya.
Midowga Yurub ayaa sheegay in howlgal ay Ciidamadooda ka wadaan Xeebaha Soomaaliya loogu magac daray Atalanta ay ku suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan Burcad Badeed badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo ay lagama maarmaan tahay in loo helo meel sharci lagu soo taago.
Heshiiskan oo fududeynaya in Burcad Badeedda la tuhmo ee laga soo qabto Soomaaliya loo gudbiyo Kenya ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ninka lagu magacaabo Moses Wetangula iyo Safiirka Czech u fadhiya Kenya, kaasi oo hadda uu dalkiisa hayo madaxweynenimada Midowga Yurub.
Saraakiil u hadlay Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in tan iyo markii ay howlgallada lagu dagaallamayo Burcad Badeedda Soomaaliya ay ka bilowdeen Xeebaha Soomaaliya ay yaraadeen af-duubyadii loo geysan jiray Maraakiibta iyo Doomaha ku socdaala Xeebaha Soomaaliya.
Shalay ayay ahayd markii 7 Nin oo la tuhunsan yahay in ay burcad badeed yihiin lagu wareejiyay dowladda Kenya, iyadoo raggaasna uu soo qabtay Markab ay saaran yihiin Ciidamo Mareykan ah oo ka howlgala Xeebaha Soomaaliya.
8 Soomaali ah oo sidoo kale la tuhunsan yahay in ay Burcad Badeed yihiin ayaa iyana Kenya Maxkamad lagu soo taagayaa, waxaana 8daas nin sanadkii hore soo qabtay Markab dagaal oo uu Ingiriiska leeyahay.
Bishii November 2006 ayay ahayd markii ugu horeysay oo Burcad Badeed Soomaali ah maxkamd lagu soo taago Kenya, xiligaas oo 10 nin oo Burcad Badeed ahaan loo soo qabtay midkiiba lagu xukumay 7 sano oo xabsi ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia