Maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo oo sheegay in aysan khatar ku ahayn Kenya

Sabti, March 07, 2009(HOL): Madaxa Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Shiikh Xasan Yacquub Cali oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladaas ayaa sheegay in maamulkooda uusan khatar ku ahayn Dalka Kenya.

Shiikh Xasan Yacquub Cali waxaa uu sheegay in haddii Ciidamadooda ay joogaan Raas-kambooni iyo Beled Xaawo aysan taasi macnaheedu ahayn in ay Kenya khatar ku yihiin, wuxuuna caddeeyay in ay taasi u arkayaan daan-daansi iyo in ay dooneyso Kenya in ay soo gasho Soomaaliya.

“Waxaan ognahay in Kenya ay Ciidamo soo geli doona Soomaaliya ku tababareyso Dalkeeda, haddana annaga cidna weerar kuma nihin, mar kastana iyada uun baa sheegta in weerar lagu soo yahay”ayuu yiri Shiikh Xasan Yacquub Cali.

Shiikh Xasan Yacquub oo wax laga weydiiyay haddii ay Kenya Ciidamo soo geliso Soomaaliya waxa ay yeelayaan ayaa sheegay in haddii weerar lagu soo qaado ay dalkooda difaacan doonaan, “Waxaan leenahay Kenya cadaawad nooma dhaxeyso sida Ciidamadii cadawga ahaa ee Soomaaliya ku soo duulay ee hadda ha abuurina cadaawad Soomaaliya iyo Kenya dhexmarta”ayuu mar kale yiri Shiikh Xasan Yacquub Cali.

Hadalka uu sii dayaya Afhayeenkan u hadlay maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan saraakiil dowladda Kenya u qaabilsan dhinaca ammaanka ay sheegeen in ay khatar dhinaca ammaanka ah ka soo wajeyso Soomaaliya, gaar ahaan xadka ay Soomaaliya la wadaagto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia