Sabti, March 07, 2009(HOL): Shiikh Yuusuf Maxamed Indha-cadde oo ka soo horjeeda Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin wax uu ku diido Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed haddii ay dastuurka u degsan ku bedesho shareecada Islaamka.
Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo u waramayya qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in uu ka maqlay sida uu hadalka u yiri Shariifka in uu dalka ku xukumayo Shareecada Islaamka, “Hadde arrintaas hadal ayay joogtaa, waxaana loo baahan yahay in ficil loo bedelo oo laga dhabeeyo”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo intaas ku sii daray in markaas aysan jiri doonin cid ka hor imaaneysa Dowladda.
“Haddii qolada Baarlamaanka isku sheegeysa ay isu yimaadaan oo ay iska tuuraan Axdiga u degsan, isla markaana ay qaataan Shareecada Islaamka, markaa waa la soo dhaweyn karaa”ayuu yiri Shiikh Indha-Cadde.
Dhanka kalena, Shiikh Yuusuf Indha-Cadde waxaa uu beeniyay in uu wax ka ogaa shir ay beesha Cayr Muqdisho ku yeelatay, kaasi oo lagu taageerayay Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya, wuxuuse sheegay in Beesha ay tahay Beel weyn isla markaana ay dadkeeda meelo kala duwan ay ku shiri karaan iyagoo aan iska war-qabin.
Ugu dambeyntiina, Shiikh Yuusuf Indha-Cadde waxaa uu ka soo horjeestay in dagaallo ay ka sii socdaan Soomaaliya, gaar ahaan goobaha ay dadka rayidka ah degan yihiin ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in qofkii dagaal doonaya ay tahay in uu bartilmaameedsado goobaha ay joogaan dadka uu la dagaallamayo, “Aniga ma qabo in dadka rayidka ah dhexdooda laga dagaallamo, isla markaana madaafiic laga dhex-tuuro, taasi bedelkeedna qofkii dagaal doonaya waxaan kula talinayaa in uu toos u abbaaro goobaha ay ku sugan yihiin dadka uu la dagaallamayo”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha-Cadde.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia