Sabti, March 07, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in Markab Dhuxul oo isagoo holcaya Dekeddaas ku soo xirtay laga fogeeyay Dekedda kadib markii lagu guuleysan waayay in la damiyo.
Mid ka mid ah Shaqaalaha ka shaqeeya Dekedda Muqdisho ayaa HOL u sheegay in Markabkan oo laga dejiyay kaliya 1000 Loor oo dhuxul ah uu dabka wada gaaray, kadibna lagu amray Captain-kii Markabka in uu Dekedda ka fogeeyo si uusan dhibaato kale u geysan.
Seddex god oo uu dhuxul ku waday Markabkan ayaa waxaa gebi ahaanba wada gaaray dabkii Markabka ka holcayay, taasina waxay suurtagal ka dhigi weyday in dabkaas ay demiyaan Booyado iyo Gaari Dab-demis ah oo gurmad ahaan loogu geeyay Markabkaas oo ganacsato Soomaali ah u rarnaa.
Markabkan oo Koofur Kuuriya laga leeyahay, isla markaana ay saaran yihiin dhowr iyo labaatan shaqaale ah oo Kuuriya u dhashay ayaa waxaa Dekedda looga fogeeyay dhinaca Badweynta, si haddii ay dhacdo in uu quuso uusan Dekedda u xayirin.
Dabka inta badan ka kaca Maraakiibta Dhuxusha lagu qaado ayaa waxaa sababa iyadoo Maraakiibta la saaro Dhuxul kulul oo marka ay dabeyl aragto dab isu bedesha kadibna wada gaarta dhammaan Dhuxusha kale ee Markabka saaran.
Ugu dambeyntiina, Markabkan ayaa markii ay gubashada ku bilaabaneysay wuxuu waday Dhuxul uu ka soo qaaday Dekedda Baraawe ee Gobolka Shabeealaha Hoose, wuxuuna ku socday Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia