Aabbe iyo Wiil uu dhalay oo u naafoobay dhaawacyo ay u geysteen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Muqdisho ka baxay dhawaan


Sabti, March 07, 2009(HOL): Cabdi Maxamed Cabdulle iyo Maxamed Cabdi Maxamed waa Aabbe iyo Wiil uu dhalay, waxay labaduba u naafoobeen dhaawacyo ay u geysteen Ciidamadii Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugnaa labadii sana ee aan ka soo gudubnay.

Sawiradaan aad aragtaan waa Aabe iyo wiilkiisa curudka ah oo dhibban, Aabaha iyo wiilkiisa waa naafo, waxayna ku xanuunsan yihiin duleedyada magaalada Muqdisho ee ay u barakaceen dadkii ka cararay dagaalladii Muqdisho ka dhacay.

Cabdi Maxamed Cabdulle iyo Maxamed Cabdi Maxamed waxaa dhibkan u geystay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Warshaddii Baastada, waxayna ku dhaawaceen nawaaxiga EX-Koontarool Balcad.

Marka laga soo tago dhibka heysta labadan ruux waxa ay xaalad nolol xumo ah la soo deristay  qoyskooda oo ay u shaqo tegi jireen, kuwaasi oo ay haatan dhex jiifaan iyagoo weliba daryeel u baahan in laga gacan-siiyo dhaqdhaqaajinta xubnahooda naafada noqday.

Dhaqatiirta dalka jooga waxeey sheegen in aan dalka waxba looga qaban karin, waxayna caddeeyeen in haddii dibadda loo qaado xaaladdooda caafimaad wax laga qaban karo, sidaas darteed  Muslimiinta meel walba oo ay joogaan waxey ka codsanayaan in ay caawiyaan, iyadoo qofkii doonaya in uu caawiyo uu la xiriiri karo Maryan Cumar C/lle oo laga helo Taleefoonnada kala ah: +2521-5912510 ama +2521-5557571.