Sabti, March 07, 2009(HOL): Baarlamaanka Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya oo shirkiisa ugu horreeya dhawaan ku yeelanaya Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa la filayaa in la hor-geeyo go’aan ay isku soo raacayaan Golaha Wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran, kaasi oo ku saabsan in Shareecada Islaamka lagu xukumo Dalka Soomaaliya.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa la filayaa in ay deg deg isugu raacaan go’aankaas, kadibna ay Baarlamaanka u gudbiyaan, iyadoo Baarlamaankana uu xiligaas kadib ansixin doono qodobkaas ku saabsan in Shareecada Islaamka lagu xukumo dalka Soomaaliya.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo arrintaas la socda ayaa u sheegay HOL in ay kaliya sugayaan in go’aankaas uu ka soo baxo golaha Wasiirrada, iyagoo sheegay in marka go’aankaas loo keeno aaney jiri doonin cid ka imaan doonta meel-marinta qodobkaas.
Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa isaga kala yimid isla markaana shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa dhawaan waxay soo saareen go’aanno ay u jeediyeen Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in ay 120 maalmood gudahood ay dalka uga saarto ciidamada Amisom in uu Baarlamaanka ansixiyo in Shareecada Islaamka Dalka lagu xukumayo, in Baarlamaanka uu wax ka bedelo qodobo ku jira Axdiga Dowladda u degsan, kuwaasi oo ka hor-imaanaya Shareecada Islaamka.
Qodobkan ku saabsan in Shareecada Islaamka dalka lagu xakumo ayaa haddii uu Xukuumadda ka soo baxo, kadibna uu Baarlamaanka ansixiyo wuxuu meesha ka saari doonaa dood badan iyo weliba diidmo laga muujinayo Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Hoggaamiye Diimeedyo dhowr ah oo ka soo horjeeda Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa haatan waxay ku doodaan in Dowladdan aysan waxba ka duwaneyn Dowladdii hore ee TFG-da, isla markaana ay ka soo horjeeddo in dalka lagu xukumo Shareecada Islaamka, sidaas darteedna ay dagaallada sii wadayaan ilaa shareecada Islaamka Dalka looga xukumayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia