![]() |
| Shiikh Xasan Daahir Aweys-SAWIRKA AP |
Shiikh Xasan Daahir oo da’diisa ugu sheegay Reuters 62 sano jir ayaa wuxuu ahaa guddoomiyihii Golaha shuurada Maxkamada Islaamka ee sanadkii 2006 ka talinayay deegaanno dhowr ah oo ku yaala koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, hadana waa hoggaamiyaha garabka mayalka adag ee Isbaheyisga Dib u xoreynta Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.
Sheikh Xasan Daahir wuxuu ka bar-bar shaqeeyay madaxweynaha Islaamiga ah ee qunyar-socodka ah Shiikh Shariif Shiikh Axmed xiligii Maxkamadaha Islaamka, kadib waxay aas-aaseen Isbaheyisga Dib u xoreynta Soomaaliya oo dagaal la galay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Soomaaliya ku sugnaa labadii sano ee aan ka soo gudubnay.
Laakin waxay kala tageen Shiikh Shariif oo mar kasta loo arki jiray hoggaamiye Islaami ah oo Qunyar-socod ah uu u dhaqaaqay dhinaca Djibouti, si uu uga qeybgalo geedi-socodkii nabadda ee uu gar-wadeenka ka ahaa UN-ka, kaasi oo ugu dambeyntii madaxweyne loogu doortay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
“Ma nihin mucaarad ee waxaan nahay xornimo u dirireayaal, mana jirto dowlad aan aqoonsannahay oo Soomaaliya ka jirta, ragga hadda joogana waa kuwo qayaanay dalkooda iyo dadkooda”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.
“Itoobiya si indho la’aan ah ayay u taageertay una ammaantay Shariif, taasina waxay muujineysaa in wadanka ay weli lugta kula jirto Dowladda Itoobiya iyo wakiilladeeda, waana taas sababta aan u dagaallameyno”ayuu mar kale yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.
Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu sheegay in Itoobiya ay ula dagaallameyso dadka Soomaaliyeed in ay ka joojiso in ay shareecada Islaamka isku xukumaan, sidaas darteed ayuu sheegay in dagaalka yahay mid diimeed, “Marka cadaw soo duulay uu dalkaaga soo galo, isla markaana uu isku dayo in uu kuugu qasbo in aad diintaada ka baxdo, isla markaana uu diido Qarannimadaada iyo Madax-bannaanidaada, uuna si sharci ah u qaato kheyraadkaaga ma jirto waddo kale oo kuu furan oo aan ka ahayn in aad dagaal gasho”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.
Shiikh Xasan Daahir Aweys oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo hadal uu dhawaan sii daayay madaxweyne Shiikh Shariif oo ahaa in uu shareecada Islaamka dalka ku xukumayo ayaa sheegay in hadalkaas uu yahay mid lagu qadlayo Soomaalida masaakiinta ah, wuxuuna caddeeyay in uusan ogolaan doonin in uuku raaco awoodo dibadda shisheeye.
“Ma dhegeysaneyno waxa uu saxaafadda u sheegayo, laakin si dhab ah ayaan fiirineynaa waxa ka suurtagala waxa uu sheegay”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo intaas ku daray in uu u maleynayo in taageerayaasha Shariifka iyo Dowladda uu madaxda ka yahayba aysan ogolaan doonin in sharciga dalka lagu dhaqayo uu noqdo Shareecada Islaamka.
Ugu dambeyntina, Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa ku sheegay waxa ugu muhiimsan oo ay dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin ay tahay xornimo, “guryaha burbura dib loo dhisi karaa, laakin guri qurxoon oo aan xornimo lahayn qiimo ma lahan”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
