![]() |
| Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar |
Maxamed C/llaahi Oomaar oo isagoo ku sugan Magaalada Qaahira ee Dalka Masar u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta ku yeesheen Magaalada Qaahira uu kula shiray Wasiirro ka socday Dalalka Sacuudiga, Qadar, Kuweyt, Imaaraadka Carabta iyo Masar, wuxuuna sheegay in dhammaan wasiirradii uu arkay ay u sheegeen in ay taageersan yihiin Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya isla markaana ay garab istaagi doonaan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar waxaa uu intaas ku daray in madaxdii uu Masar kula kulmay iyo kuwo kale oo uu ku soo arkay Shir uu uga soo qeybgalay Magaalada Brussels ee dalka Belgium ay ka muuqatay in ay daneynayaan in mushkiladda Soomaaliya xal loo helo.
“Sida ay Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed ugu baahan yihiin nabadgelyo ayay madaxdii aan la kulmay ii sheegeen in ay daneynayaan in ay nabad ka dhalato Soomaaliya, welibana ay taageerayaan Dowladda Soomaaliyeed ee Dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta ka shaqeyneysa”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in uu dhawaan booqan doono Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo caddeeyay in uu halkaas kula kulmi doono wakiillada beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo xafiisyo ku leh Magaalada Nairobi. Sidoo kalena wuxuu sheegay in uu halkaas kula kulmi doono madaxda dowladda Kenya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
