Howlo indho-fiiqid ah oo ka bilowday Magaalada Cadaado

Khamiis, March 05, 2009(HOL): Waxaa ka bilowday isbitaalka guud ee magaalada Cadaado ee hoos-tagta maamulka Ximan iyo Xeeb, howlo caafimaad oo indhaha loogu fiiqayo in ka badan 1000 qofood, waxaana howshan fulinaysa hay’adda Zamzam foundation, waxayna socon doonaan muddo dhan 7 cisho.

Dadka indhaha loogu fiiqayo Cadaado waxay ka kala yimaadeen Gobollada Galgaduud, Mudug, Hiiraan, Sh/dhexe,  Banaadir iyo kilinka shanaad ee Itoobiya.

Waxay ka soo dhameeyeen howlaha indhafiiqa ah hay’addan korku qorani magaalooyinka ay ka mid yihiin Xamar, Baladweyne iyo Gobolada maamul Goboleedka Somaliland waxayna ku sii socdaan oo ka fulin donaan indhafiiqa Boosaaso, Qardho, Jowhar, Kismaayo, Jamaame iyo Xudur, waxaana fulinaya howlahaas 2 dhaqtar, 5 kalkaaliye iyo 3 shaqaale.

“Hay’addu waxay fulisaa howlaha indho-fiiqid lacag la’aan ah, waxayna ka fulinaysaa dhamaan Gobolada dalka Soomaaliya oo dhan, waxayna bilowday howlahaas December 2008 ilaa iyo 2010 ayayna socon doontaa howshaasi waxaana qorsheysan in indhaha loo fiiqo dad dhan 10,000 (toban kun oo qof) haddii Alle idmo” ayuu yiri madaxa caafimaadka hay’adda Zamzam foundation Mudane Maxamed Maxamuud Cabdi (Oogle).

“Hay’addu waxay ka shaqaysaa qeybahan kala duwan oo kala ah: Gargaarka deg dega ah, caafimaadka, waxbarashada, daryeelka agoonta, biyaha iyo qodista ceelasha, iyo arrimaha bulshada” ayuu mar kale yiri madaxa caafimaadka hay’adda Zamzam foundation Mudane Maxamed Maxamuud Cabdi (Oogle) oo isbitaalka magaalada Cadaado warfidiyeennada ugu waramayey.

Saciid Cabdi Axmed (Saciid Caynte)
[email protected]
Cadaado-Somalia