Khamiis, March 05, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta u ah Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay Koofurta magaaladaas lagu dilay Shiikh caan ah oo ka tirsanaa Dariiqada Ahlu Sunna Waljamaaca.
Shiikhan la dilay oo lagu magacaabi jiray Shiikh Cali Axmed Iidle (Shiikh Cali Af-yare) ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay Seddex nin oo wejiga soo duubtay, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday. Intii u dhaxeysay Salaaddii maqrib iyo Salaaddii Cishaha ayaa la dilay Shiikhaas oo ka tirsanaa Dariiqada Ahlu Sunna Waljamaaca.
Maamulka ka taliya Koofurta Gaalkacyo ee hoos-yimaada Maamulka Gal-Mudug ayaa sheegay in uu baaritaan ku hayo ciddii ka dambeysay dilka marxuumka, waxayna mas’uuliyiin u hadlay maamulkaas ay sheegeen in ay soo bandhigi doonaan wixii baaritaanka uga soo baxa.
Dhawaan ayay ahayd markii ay kooxo hubeysan dhaawac ugu geysteen Koofurta Magaalada Gaalkacyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka Gal-mudug Aweys Cali Siciid, kaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn ciddii dhaawacaas u geysatay.
Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo ay Koofurteeda iyo Waqooyigeeda ay ka kala jiraan labo maamul ayaa waxaa horay uga dhacay dilal loo geysanayay dad bulshada wax u tar leh, kuwaasi oo isugu jiray, oday dhaqameedyo, Aqoonyahanno iyo Culumaa’udiin, iyadoo ilaa iyo haatanna aysan jirin wax tallaabo ah oo ay labada maamul ka qaadeen amni darradaas jirta.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dadka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay qabaan in amni darrada ka jirta iyo dilalka ka dhaca labada qeybood ee magaalada ay sii dhiirigelinayaan wada shaqeyn la’aanta u dhaxeysa maamullada magaaladaas ka jira, waxayna taasi ku sababeynayaan in qofkii wax ku dila Koofurta uu dhinaca Waqooyiga u baxsado, halka qofkii dhinaca Waqooyiga wax ku dilana uu baxsado dhinaca Koofurta, taasina ay keentay in ay iska sii socdaan dilalka loo geysto dadka bulshada indhaha u ah.
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia