Askari ka tirsan Ciidanka Boliska DGPL oo xalay lagu dilay magaalada Boosaaso

Khamiis, March 05, 2009(HOL): Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Degmada Boosaaso ayaa xalay lagu dilay gudaha magaalada, kadib is rasaaseyn muddo socotay oo dhex martay askar ka tirsan ciidanka iyo gacan ku dhiiglaha dilka gaystay.
 
Dad Goob joogayaal ah ayaa sheegay in markii uu falkan dhacay uu gacan ku dhiiglaha ka baxsaday gacanta ciidanka inkastoo ay bilawdeen baaritaanno lagu raadinayo gacan ku dhiiglahaasi,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in gacan kuu dhiiglaha uu cabsanaa waxyaabaha maanka dooriya.
 
Taliye ku xigeenka Ciidanka Poliska DGPL Maxamed Siciid Jaqanaf oo maanta shir ku qabtay dekadda Boosaaso ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay gacan ku dhiiglihii dilkaasi gaystay.
 
Waxa uu intaasi ku daray Taliye ku xigeenka in gacan ku dhiiglaha laga soo qabtay mid ka mid ah xaafadaha Boosaaso oo uu magangalyo u doontay, isagoo sheegay in maxkamadda la soo taagi doono gacan ku dhiiglaha maalmaha soo socda.
 
Sidoo kael waxa uu sheegay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska DGPL in gacan ku dhiiglaha lagu hayo xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, isagoo intaasi ku daray in qofkii qof dila la qisaasi doono.
 
Bilo ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale loo dilay askari ka mid ah ciidanka Booliska, waxaana arintani cambaareeyay Shacabka magaalada Boosaaso, iyadoo beryihii la soo dhaafay ay soo badanyeen Burcad habeenkii dadka taleefoonnada ka qaata, kuwaasi oo aan weli lagu guuleysan in wax laga qabto dhibaatada ay dadka ku hayaan.
 
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia