Ciidamada AMISOM oo lagu eedeeyay in ay rasaaseeyaan Kalluumeysatada ka jilaabta Xeebaha Muqdisho

Khamiis, March 05, 2009(HOL): Kalluumeysatada ka jilaabta Xeebaha Muqdisho ayaa Ciidamada Amisom ee fariisinka ku leh Dugsigii Tababarka Xalane waxay ku eedeeyeen in ay rasaaseeyaan oo aysan kalluumeysan karin.

Mid ka mid ah Kalluumeysatadan oo lagu magacaabo Xasan Maxamuud Jiisow ayaa sheegay in meel 40km u jirta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ku rasaaseeyeen Ciidamada Amisom, wuxuuna xusay in rasaastaas uu hal ruux kaga dhaawacmay, isagoo kalena  sheegay in ay rasaasta waxyeelleysay kalluun badan oo ay qabsadeen iyo weliba doontii.

Waxaa uu intaas ku daray Xasan Maxamuud Jiisow in ay la yaaban yihiin sababta ay Ciidamada Amisom u rasaaseynayaan weliba iyagoo ka jilaabta meelo ka fog fog halka ay Ciidamada Amisom ku sugan yihiin, wuxuuna xusay in ay maleynayaan in ciidamada Amisom ay cadaawad gaar ah u qabaan dadka Soomaaliyeed.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Kalluumeysatada ka jillaabta Xeebaha Muqdisho ay ku eedeeyaan Ciidamada Amisom in ay rasaas ku furaan, dhawaan ayayna ahayd markii sidoo kale ay kalluumeysatada soo jeediyeen cabasho tan oo kale ah, taasi oo aan ilaa iyo haatan waxba laga qaban.

Ciidamada Amisom ee suga Ammaanka Garoonka Diyaaradaha iyo Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxay leeyihiin Ciidamo ku sii jeeda dhinaca Xeebta, kuwaasi oo sida la sheego halkaas loo geeyay in ay ka feejignaadaan in Ciidamada Amisom laga soo weeraro dhinaca Badda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia