Khamiis, March 05, 2009(HOL): Guddoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad Cali Dheere ayaa sheegay in ganacsato shalay la kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ay ahaayeen kuwo aan loo dhameyn oo si gaar ah ugu tegay madaxda dowladda.
Cali Dheere waxaa uu sheegay in ganacsatada kulanka la qaatay madaxweynaha uu hoggaaminayay guddoomiyaha ganacsatada Gobolka Banaadir Maxamuud C/kariin Gabeyre, kaasi oo uu sheegay in uusan shirkaas ku wargelin ganacsatada kale.
“Ragga ganacsatada hormuudka u ahaa ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha la kulmay waxay sameeyueen tixgelin iyo qadarin la’aan, wax aan ka maleysaneyneyna ma ahayn in ay sidaas sameeyaan”ayuu yiri Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere).
Cali Dheere oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in ay soo dhaweynayaan haddii waxyaabaha kulankaas looga hadlay ay ahaayeen wax dadka iyo dalka Soomaaliyeed dan u ah, wuxuuse carrabka ku dhuftay in ay dareemayaan in ay meeshaas ka maqnaayeen dad badan oo talooyin ku yeelan lahaayeen shirkaas.
Shirkii shalay dhexmaray Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay sidii ay Dowladda iyo Ganacsatada ay isaga kaashan lahaayeen nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, sii wadidda Dib u heshiisiinta, Cadaaladda iyo qodobo kale, wuxuuna shirkaas ku soo dhamaaday is-af-garad, waa sida uu saxaafadda u sheegay C/llaahi Khadar oo ah madaxa xafiiska warfaafinta ee Madaxweynaha Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia