Labo caruur oo ah oo ku dhaawacantay Dab maanta qabsaday xaafadda Buulo-mingis ee magaalada Boosaaso

Cabirka Farta

Talaado, March 03, 2009(HOL): Ugu yaraan 27 guri oo ka samaysan cooshado iyo baakado ayaa maanta ku basbeelay dab qabsaday xaafada Buulo-mingis oo ku taala dhanka bari ee magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Labo caruur ah ayaa ku dhawaacantay dabkaasi ,waxaana damintiisa gacan ka gaystay dadka xaafaddaasi oo u soo gurmaday markii dambe. Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in dabkaan uu ka dhashay walxo ay caruurtu ku ciyaarayeen, waxaana xaafaddaasi daganaa dad ka soo barakacya meelo ka mid ah dalka Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta.

Ma jirin mas’uul ka tirsan maamulka Degmada Boosaaso oo booqaday goobta uu dabkaasi ka kacay, iyadoo aysan ahayn markiii ugu horreysya oo uu dab caynkaan oo kale ah qabsado xero ay dagan yihiin dad soo barakacay

Qaar ka mid dadkii ay guryahoodi gubteen oo aan la kulmay ayaa ii sheegay in aysan haysan wax ay noloshooda ku maareeyaan, waxaana ay ka codsadeen hay’adaha Samafalka in gargaar lala soo gaaro.

Waa markii labaad oo muddo labo asbuuc gudaheed ah uu  dab qabasado xero ay dagan yihiin dad soo barakacay, waxaana inta badan dhacda in dabka ay ku waxyeeloobaan dad isugu jira caruur iyo waayeel.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia