Waalidiin ka cabaneysa Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda ee jooga nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Cabirka Farta

Talaado, March 03, 2009(HOL): Waalidiin ku nool nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka cabanayaan dhibaatooyin ay sheegeen in ay ku hayaan Ciidamada Amison iyo kuwa Dowladda ee ku sugan nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha.

Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle oo ka mid ah Waalidiinta cabaneysa ayaa sheegay in dhibaatooyinka ay qabaan ay ka mid yihiin iyadoo aaney caruurtooda waxbarasho aadi karin subaxdii ilaa laga gaaro 7:30am, wuxuuna sheegay in wixii waqtigaas ka horreeya ay ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ay rasaas bilaabaan aroorta hore ayna wadaan illaa 7:30-ka, Waddooyinkana ay xiraan.

“Marka ay rasaasta bilaabaan caruurta guryaha ayaan ku celinnaa ilaa ay rasaasta ka joogsato, kadibna waxaa dhacda in Ardaydii School aaday albaabka laga xirto, kuwii Dugsi Qur’aan aadayna uu Macallinka garaaco”ayuu yiri Abawaan Abshir Bacadle oo ka codsaday Madaxda Dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatooyinkaas wax ka qabtaan.

Waxaa uu sheegay Abwaanka in meesha ay dhibaatada ka jirto ay tahay Xaafadda Buulo Xuubey ilaa Zoppe oo dhinac ah iyo Xaafadda Buulo Xuubey ilaa Dugsiga Farsamada Gacanta oo dhinac kale, wuxuuna ku baaqay in ciidamadaas dadka dhibaatada ku haya wax laga qabto.

Abwaan Abshir Bacadle oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay horay amni darro aawadeed ugu xirmeen goobo waxbarasho, kuwo caafimaad iyo kuwo ganacsi oo ku yaala inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 ilaa Tareebuunka oo Degmada Hodan ka tirsan, wuxuuna sheegay in halkaas oo ay ku yaalleen goobo waxbarasho oo aad u tiro badan ay haatan yihiin kuwo haawanaya oo ay dadka ku yar yihiin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia