Talaado, March 03, 2009(HOL): Alle ha u naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe ku geeriyooday Magaalada Hargeysa ee Caasimadda u ah Somaliland Shiikh Ibraahim Suuley oo ka mid ahaa Culumaa’udiinka sida weyn looga yaqaano Soomaaliya.
Shiikh Ibraahim Suuley oo xanuunsanayay ilaa sanadkii 1997-kii ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa waxaana lagu wadaa in galabta Salaadda Casir kadib lagu aaso Khabuuraha Naasa-hablood ee Magaalada Hargeysa. Shiikha oo ay da’diisa ku dhaweyd 80 sano ayaa wuxuu qabay xanuunnada Kaadi-Macaanka iyo Dhiig-Karka.
Shiikh Yuusuf Ceynte oo ka mid ah Culumaa’udiinka uu Shiikh Ibraahim Suuley wax soo baray ayaa sheegay in Shiikh Ibraahim Suuley uu ahaa Shiikhii ugu horreeyay oo fidinta Axaadiith-ta Nabi Muxamed NNKH soo gaarsiiyay Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaana Magaalada Muqdisho.
Shiikh Yuusuf Ceynte waxaa uu intaas ku daray in markii ay burburtay Dowladdii hore uu Shiikh Ibraahim Suuley ka qeyb-qaadanayay dadaallo badan oo la doonayay in xal loogu heli mushkiladda Soomaaliya, wuxuuna xusay in uu xanuunsaday isagoo dadaalkaas qeyb ka ah.
“Waxaan tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii iyo Shacabka Soomaaliyeed ee uu Shiikh ka geeriyooday Shiikh Ibraahim Suuley, si gaar ahna waxaan tacsi ugu dirayaan Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuley”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Ceynte oo Shiikha Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ka waraabiyo.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia