Talaado, March 03, 2009(HOL): Wasiirka Amniga Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo haatan ku sugan Dalka Itoobiya ayaa waxay halkaas u tageen sidii ay uga qeybgeli lahaayeen xaflad xiritaan ah oo loo sameynayo Saraakiil ciidan oo tababar ku dhameystay gudaha Itoobiya.
Labadan Mas’uul ee ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay sidoo kale Itoobiya u tageen sidii ugu kuur-geli lahaayeen tababar u sii socda Saraakiil kale oo sii qaadanaya tababar socon doona sanad kale oo dheeraad ah, halka kuwa hadda tababarka ka soo baxayna ay soo dhameysteen tababar socday muddo sanad iyo bar ah.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo intii uusan ka amba bixin magaalada Muqdisho warfidiyeennada kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saraakiisha tababarka soo dhameystay ay ku soo noqon doonaan dalka Soomaaliya, isla markaana ay wax ka hoggaamin doonaan Ciidamada Soomaaliyeed.
Jen. Qeybdiid waxaa uu sheegay in ay iyana saraakiil kale ka soo bixi doonaan Dalalka Suudaan, Uganda iyo kuwo kale oo horay loogu diray Saraakiil loo soo tababarayo Soomaaliya, wuxuuna rajeeyay in marka saraakiishaas ay ku soo noqdaan Soomaaliya ay dabooli doonaan baahi badan oo loo qabay saraakiil hoggaamisa Ciidamada Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntiina, mudadii ay jirtay Dowladdii TFG-da ayaa waxay Dowladda Itoobiya soo tababartay Saraakiil iyo Ciidamo badan oo la doonayay in ay wax ka sugaan ammaanka dalka Soomaaliya, hayeeshee ciidamadaas markii ay dalka Soomaaliya ku soo noqdeen badankood waxay noqdeen kuwo meel iska dhigay tababarkii ay soo qaateen, kadibna waxay u kala baxeen kuwo shaqadii ciidannimo ka tegay iyo kuwo u soo jeestay in ay shacabka dhac iyo dil u geystaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia