
Talaado, March 03, 2009(HOL): Diyaar-garowga iyo qaban-qaabada loogu jiro koobka kubadda cagta ee sanadka soo socda ee 2010ka lagu qaban doono dalkan Koofur Afrika ayaa waxa uu marayaa meel aad u wanaagsan.
Sida uu sheegay guddiga qaban-qaabada ee wasaaradda Isboortiga dalkani u xil saartay in ay soo diyaariyaan garoomada iyo goobaha kale ee loo isticmaalayo qabashada ciyaarahaasi in ay shaqooyinkooda ku soo gabagabeeyn doonaan waqtigii loogu tala galay.
Madaxa guddigaasi Danny Jordaan ayaa sheegay in uu meesha ka baxay shakigii ahaa in FIFA ay dhaliilo u soo jeediso Wasaaradda Isboortiga ee dalkan iyo guddigaba in qaban-qaabada sida ay u socoto ay tahay mid gaabis ah.
Waxaa kaloo guddigu ay caddeeyeen in ay jiraan dalal kale oo u hanqal taagaya marti-galinta koobkan caalamiga ah oo iyagu xiiseeynaya in dowladda dalkani ay ku fashilanto marti-galinta koobkan oo ay meel cidlo ah ka helaan.
Waa markii ugu horreysay ee koobkan oo kale lagu qabto Qaarada Afrika, waxaana lagu ciyaari doonaa 10 garoon oo ku kala yaalla 8 gobol oo Wadankan ka tirsan, waxeyna garoomadan kala yihiin.
1) Ellis Park Stadium, Johannesburg, Gouteng
2) Loftus Versveld Stadium, Pretoria Gauteng
3) Petar Mokaba Stadium, Polokwane limpopo
4) Free State Stadium, Bloemfontein free state
5) Greenpoint Stadium, Cape Town western cape
6) Moses Mabhida Stadium, Durban kwazulu natal
7) Mbombela Stadium, Nelsprui mpumalanga
8) Nelson Mandela Bay Stadium -Port Elizabeth, Eastern Cape
9) Soccer City Stadium, Johannesburg Gouteng
10) Royal Bafokeng Stadium Rustenburg north west.
Haddaba ciyaarta furitaanka ee koobkan ayaa waxa ay ka dhici doontaa garoonka weyn ee Soccer City Stadium ee ku yaala magaalada JB kaasi oo qaada dadweyne gaaraya 94,500 oo ruux.
Isla sanadkan ayaa waxaa dhici doona koob kale oo lagu magacaabo Confederations Cup oo isna dalkan lagu qaban doono waxaana ka qeyb qaadan doonaan ilaa 8 dal oo kala ah, Brazil, Masar, Spain, Ciraaq, Talyaaniga, NewZealand, Mareykanka iyo Dalkan Koofur Afrika. Koobkan ayaa bilaaban doona 14 June 2009ka lana soo gabagabeyn doonaa 28 June 2009ka waxaana lagu ciyaari doonaa magaalooyinka, Pretoria, Johannesburg, Rustenburg, iyo Bloemfontein.
Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, Afrika