Mas’uul sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Saxaafadda ugu hanjabay in ay la dagaallamayaan

Cabirka Farta

Mas’uul sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Saxaafadda ugu hanjabay in ay la dagaallamayaan

Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi
Talaado, March 03, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa  ugu hanjabay saxaafadda Soomaalida in ay ula dagaallami doonaan sidii buu yiri aan ula dagaallannay hoggaamiye kooxeedyadii hore.

Prof. Ibbi oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saxaafadda ay ka soo horjeedo nabad ka dhalata Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay taasi xitaa ogyihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Sidii aan hoggaamiye kooxeedyada ula dagaallannay oo kale waa in aan ula dagaallannaa Saxafadda” ayuu yiri Porf. Ibbi oo sheegay in saxaafadda ay buun-buuniyaan wararka ka soo horjeeda Nabadda.

“Wixii war sameeya ayaa war ah ma ahan arrinta, mana ahan in saxaafadda ay boog meel iska taalla malaxda ka fujiso, taas bedelkeedana waxaa looga baahan yahay in ay nabadda ka shaqeyso”ayuu yiri Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi.

Hadalka uu sii daayay mas’uulkan ka tirsan Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa wuxuu soo baxay intii uu socday wareysi uu siinayay Idaacada Horn Afrik, wuxuuna hadalkan culus sii daayay kadib markii wariyihii wareysanayay uu weydiinayay su’aal ku saabsaneyd in aysan Magaalada Muqdisho ammaan ahayn, isla markaana mararka qaarkood ay dagaallo ka dhacaan, madaafiicna lagu weeraro xarunta Madaxtooyada.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu saxaafadda ugu hambalyeeyay howsha ay xiligan hayaan, isagoo weliba sheegay in ay mararka qaarkood dhibaatooyin la kulmaan in ay howshooda gudanayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia