Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Beledweyne oo amarro ku soo rogay qaar ka mid ah Ganacsatada Magaalada

Cabirka Farta

Talaado, March 03, 2009(HOL): Kulamo is-daba joog ah kadib Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Beledweyne ee Xarunta u ah Goballka Hiiraan waxaa uu markii ugu horeysay tan iyo wixii ka danbeeyay markii la magacaabay uu soo saaray Wareegto amaro kala duwan lagu farayo qaar ka mid ah Ganacsatada Magaalada.
 
Guddoomiyaha Arrimaha Bulshada Maamulka Islaamiga ah ee Degmada Beledweyne C/raxmaan Cilmi Cabdi (Buruki) oo ay HOL wax ka weydiisay amarrada ay ku soo rogeen Ganacsatada ayaa sheegay in kadib markii uu maamulku hab dhaqanka qaar ka mid ah ganacsatada iyo waxyeello dhinaca caafimaadka ah oo laga yaabo in ay Bulshada u keenaan ay qaateen talaabo ay ku joojinayaan howlaha ganacsi ee ka jira Magaalada.
 
Wareegtada ayaa ugu horreyan lagu xusay in la joojiyay howlaha ay u hayaan Bulshada qaar ka mid ah Ceelasha Biyaha oo sida uu Maamulku sheegay dadka ka iibsada Biyo Wasaqeysan, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay in ay jiraan qaar ka mid ah Ceelasha oo ku dhax furan Godadka Musqulaha, taasoo keeni karta sida uu Maamulku sheegay dhibaato dhinaca Caafimaadka ah.
 
Waxaa wareegtada lagu xusay in milkiilaha u hoggaasami waaya amarrada la soo saaray la ganaaxi doono lacag dhan 2,500,000 oo Sh. So. ah iyo waliba 24 saac oo xarig ah, sidoo kale waxaa wareegtada lagu soo qaaday Ganacsatada Maqaayadaha, Farmashiyaasha, Goobaha Caafimaadka, iyo  waliba Kawaanleyda ka Ganacsatada hilibka Xoolaha kuwaas oo lagu tilmaamay in ay wasaqda ku shubaan Wabiga Shabeelle oo ay biyihiisu cabaan inta badan oo ka mid ah  dadka ku dhaqan Goballka, waxaana dhamaantood lagu wargeliyay in la ciqaabi doono haddii ay ka dhego-adeygaan joojinta wasaqeynta ay ku hayaan biyaha Wabigga.
 
Inkastoo Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne si weyn u soo dhaweeyeen amarrada ka soo baxay Maamulka Islaamiga ah ee Degmada hadana dhinaca kale waxaan ku farxin arintaas ganacsatada saameynta ku leh wareegtada oo qaarkood ku cabanaya in Maamulku ka bad badiyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana ay sheegeen gaar ahaan Milkiilayaasha Ceelasha in ay ka xun yihiin eedeynta la xiriirta in ay dadka ka iibsadaan biyo wasaqeysan.
 
Dad badan oo ka mid ah Bulshada Gobalka Hiiraan ayaa qaba in ay mudan tahay in laga joojiyo dadka wasaqeynaya Biyaha Wabiga Shabeelle maadaama Wabigu yahay halka kaliya oo ay dadku ka helaan biyo joogta ah xili kasta.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia