Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo cambaareeyay kooxo af-duub u geystay Samafalayaal ku sugnaa Gobolka W/Bari Kenya


Sabti, July 18, 2009(HOL): Safiirka  Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa si kulul u cambaareeyay kooxaha af-duubtay seddex Samafale oo ka tirsan Hay’adda Ka hortagga Baahida (Action Against Hunger).

Danjire Maxamed Cali Ameeriko waxaa uu sheegay in Kooxaha af-duubkaas geystay ay yihiin kuwo aan damiir lahayn oo falal ka dhan ah bani’aadannimaa kula kacay dad ku howlanaa in ay u gargaaraan dad ku dhibaateysan Gobolka W/Bari-Kenya.

“Waxaan ugu baaqayaa Kooxahaas in ay si shuruud la’aan ah ku soo daayaan seddexda samafale ee ay qafaasheen, sababtoo ah ma jirto cid ay dembi ka  galeen, waxayna kaliya ku howlanaayeen sidii ay u quudin lahaayeen dad gaajoonaya”ayuu yiri Maxamed Cali Ameeriko.

Danjire Maxamed Cali Ameeriko waxaa uu sheegay in sidoo kale Dowladda Soomaaliya ay cambaareyneyso kooxaha af-duubka kula kacay samafalayaashaas oo u soo gurmaday dad ku tabaaleysan gobolka W/Bari-Kenya.

Kooxo maleeshiyooyin Soomaali ah ayaa xalay waxay Degmada Mandera ee Gobolka W/Bari-Kenya ka af-duubteen seddex samafale oo u shaqeynayay Hay’adda Action Against Hunger, iyadoo kooxaha af-duubtay samafayaashaasna ay ula tallaabeen dhinaca Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dad laga soo qafaashay gudaha dalka Kenya lala soo aado dhinaca Soomaaliya waxayna ahayd mar sii horreysay markii labo Haween ah oo howlo samafal ah u joogay Gobolka W/Bari-Kenya ay sidan oo kale af-duub ugula kaceen rag hubeysan oo Soomaali ah, inkastoo mar dambe ay sii daayeen. Waxaa kale oo jirtay in rag hubeysan oo Soomaali ah ay Gobolka W/Bari Kenya ka soo kaxeysteen gaadiid dhowr ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Af-duubkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ay ku sugan yihiin Ciidamo badan oo Kenyatti ah, kuwaasi oo xadka loo keenay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya