Xaaladda Magaalada Beledweyne oo degan kadib dagaal shalay gelinkii dambe ka dhacay

Sabti, July 18, 2009(HOL): Inkastoo ilaa xalay laga maqlayay rasaas goos goos ah oo ay is weydaarsanayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka ah ee ka soo horjeeda ayaa haddana waxaa xaalad daganaasho laga dareemayaa Xaafadda Buundo-weyn oo ay dhacyadu ku dagalameen.
 
Waxaa dib u furmay dhammaan dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo isu socdka dadweynaha oo ilaa xalay hakad ku jiray, waxaana Xaafadda Buundo-weyn saakay aroortii hore lagu arkayay Ciidamada Dowladda oo aad u hubeysan, dadkana ugu baaqaya in ay is dajiyaan isla markaana ay wataan howlahooda ganacsiga.
 
Dagaalka shalay galankii danbe ka dhacay Xaafadda Buundo-weyn oo ahaa mid lama filaan ku noqday dadka rayidka ah ayaa sababay in xaafadaha qaar uu ku soo dhaco qoriga Hoobiyaha oo ay dagaalka u adeegsanayeen kooxaha Mucaaradka ah, taasoo sii kordhisay cabsida dadka ku dhaqan Xaafadaha Magaaladu ka kooban tahay inkastoo haddana uusan jirin wax khasaare ah oo uu geystay.
 
Ilaa hadda ma'jiro dhinac ka hadlay dagaalka shalay ka dhacay Magaalada Beledweyne oo u muuqday mid abaabulan oo ay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ku doonayeen in ay kula wareegaan gacan ku heynta Xaafadda Buundo-weyn.
 
Waxaana dagaalka uu ku soo beegmay xili uu safar shaqo ugu maqan yahay Magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Maamulka Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow, walow Magaalada ay ku sugan yihiin Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Xildhibaan Max'ed dhaqane Cilmi Aar oo ay Dowladdu u xilsaartay dhamestirka howshii uu ka hayay Goballka Hiiraan Wasiirkii Amniga Qaran Dowladda Soomaaliya Cumar Xaanshi Aadan oo weerar Is-miidaamin ah oo lagu qaaday Hotelkii uu ka daganaa Magaalada Beledweyne ay ku geeriyoodeen isaga iyo ku dhawaad 40 Ruux oo sidoo kale uu ka mid ahaa Safiirkii hore ee Soomaliya u joogay Dalka Itoobiya C/kariin Xuseen Faarax Laqanyo Odayaal dhaqameed, Saraakiil Ciidan, iyo Aqoonyahanno.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]