Colaad ka taagan Deegaanno ka tirsan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

Sabti, July 18, 2009(HOL): Deegaanno ka tirsan Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa laga soo sheegayaa colaad u dhaxeyso beelo walaalo ah oo halkaas wada degan, kuwaasi oo colaadda u dhaxeyso ay salka ku heyso dhul beereed ay isku qabsadeen iyo aanooyin qabiil.

Colaadda labadan Beelood u dhaxeysa oo muddo dheer soo socotay ayaa tan iyo markii ay bilaabatay waxaa ku dhintay dad 20 ruux ka badan, kuwaasi oo ka soo kala jeeda beelaha ay Colaadaha u dhaxeyso.

Deegaannada ay Colaadda ka taagan tahay ayaa waxay kala yihiin Labo Garas, Ceel Muluq iyo Bursho Shiikh, kuwaasi oo dhamaantood hoos-taga Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Afhayeen u hadlay Odayaal u istaagay qaboojinta xiisaddan oo lagu magacaabo Muxyaddiin Maxamed Xaayow (Xilif) ayaa sheegay in colaaddan oo soo noqnoqotay dhowr jeer ay ku howlan yihiin sidii ay u so oaf-jari lahaayeen, isla markaana ay heshiis rasmi ah u kala dhex dhigi lahaayeen laba beelood ee colaadda u dhaxeyso.

Dadka ku dhaqan Degmada Cadale ayaa sheegaya in Colaadaha labada Beelood dhexmara ay bilowdaan mar kasta oo Degmada laga dareemo maamul la’aan amaba ay marxalad kala guur ah gasho sida hadda ay tahay oo kale.

Muxyaddiin Xilif waxaa uu sheegay in haatan ay xaaladda mareyso in  dadka ka soo  kala jeeda labada beelood ay kala dhuuntaan, qaarkoodna ay gobolka oo dhan isaga baxaan, isagoo taasina ku tilmaamay nasiib darro weyn oo ku dhacday dadka colaadda u dhaxeyso oo ah kuwo walaalo ah.

Ugu dambeyntiina, Muxyaddiin Maxamed Xaayow (Xilif) waxaa uu sheegay in dadaalka ay ugu jiraan sidii colaaddaas loo soo af-jari lahaa uu yahay mid ay  rajo wanaagsan ka qabaan, wuxuuna codsi u jeediyay cid kasta oo ku gacan siineysa in ay colaaddaas soo af-jaranto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya