Sabti, July 18, 2009(HOL): Wariye Maxamed Ibraahim Ruush oo ka mid ah Wariyayaasha Idaacadaha Mataanaha ah ee HornAfrik iyo Capital Voice ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu shalay ka badbaaday isku day ay kooxo hubeysan ku dili lahaayeen.
Wariye Maxamed Ibraahim Ruush oo u warramayay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay in isagoo ka soo baxay gurigiisa, isla markaana u shaqo tegayay Idaacadaha uu ka shaqeeyo uu ku arkay meel ka soo horjeeda iridka gurigiisa seddex nin oo fadhida, kuwaasi oo isaga ku sugayay.
“Seddexdii nin markii aan guriga ka soo baxay waxay istaageen, kaddibna mid ka mid ah ayaa wuxuu iigu muuqday in uu bastoolad ama aalad uu igu dili rabay uu hoosta kala soo baxayay, markaas ayaa ka cararay oo aan galay guri ii dhawaa oo albaabkiisa furnaa, markii aan guriga galay ayaan u sheegay gabar guriga ku jirtay oo ilmo heysatay in la i ceyrsanayo, kaddibna waxay igu qarisay meel maqaasiin u ah”ayuu yiri Wariye Maxamed Ibraahim Ruush.
Wariye Maxamed Ibraahim Ruush oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in raggii rabay in ay dilaan ay uga daba galeen gurigii uu galay kaddibna ay Gabadhii magan-gelisay handadaad u geysteen, “Markii bastoolado ay wateen ay ku handadeen Gabadhii waxay ku adkeysatay in aysan i sheegin, waxayna u sheegtay raggii i ceyrsanayay in aan albaab dambe oo uu guriga lahaa aan ka baxay”ayuu mar kale yiri Maxamed Ibraahim Ruush oo sheegay in arrinta ay ka war heleen dad badan oo xaafadda degan kaddibna ay yimaadeen gurigii uu ku jiray, sidaasna ay seddexdii nin ku carareen.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa tan iyo sanadkii 2007 waxaa ka dhacayay dilal loo geysanayo wariyayaasha iyo madaxda Idaacadaha, waxayna ku dhow yihiin madaxda iyo wariyayaasha la dilay 15 ruux.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya