Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo oo dad ku fuliyay xukun tacsiir ah

Sabti, July 18, 2009(HOL): Dad gaaraya Ilaa iyo 5 qofood ayuu shalay galinkii dambe Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo waxaa uu  ku fuliyay Xukun Tacsiir ah.

Dadkaan shanta qofood ah ayaa waxa ay isugu jireen rag iyo dumar iyadoo 4 kamid ah dadkaasi ay rag ahaayeen, halka qofka kalena ay ahayd haweeney, waxaana afarta nin laba ka mid ah lagu soo eedeeyay danbiyo la xiriira xatooyo ay ka geysteen gudaha Magaalada Kismaayo, waxaana ay maxkamaddu ku xukuntay midkiiba 35 karbaash iyo 7 bari oo xarig ah, sidoo kale labada nin ee kale ayaa iyagana lagu soo eedeeyay Danbiyo kuwaasi ka gadisan oo ah in ay daawanayeen Filimaanta iyo waxyaalo kale oo moobilellada laga helay, waxaana lagu xukumay kiiba 25 karbaash.

Halka haweeneyda lagu soo eedeeyey danbiyo ku saabasan Isticmaalka iyo iibinta Mukhaadaraadka maanka dooriya ah ee loo yaqaano Xashiishadda, waxaana Maxkamaddu ku xukuntay 39 Jeedal iyo 40 bari oo xabsi ah.

Fagaaraha Beerta Xoriyadda oo ay tacsiirtani ka dhacday ayaa lagu arkayay Dadweeyne aad u fara badan oo isugu soo baxay Goobtaasi si ay u daawadaan Xukunnadii tacsiirta ahaa ee halkaasi laga fulinayay.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo xukun ceynkaan oo kale ah lagu fuliyo gudaha magaalada Kismaayo tan iyo intii la magacaabay Maamulka islaamiga ah ee ka taliya Magaalada Kismaayo, waxaana si isdaba joog ah u soconayay Xukunnada kala duwan ee lagu fulinayo Dadka ku eedeysan Danbiyada, iyadoo xukunnada sida joogtada ah loo fuliyo ay ka mid yihiin kuwa Tacsiirta, halka mararka qaarna la fuliyo Gacan- gooyn  iyo Qisaas lagu fuliyo Gacan ku dhiigleyaal.

Xasan Nuur ,Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya