Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay deegaanka Yeed oo ka tirsan Gobolka Bakool

Sabti, July 18, 2009(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaanahan ku sugnaa deeganka Yeed ee Gobolka Bakool ayaa halkaas isaga baxay iyagoo dib ugu laabtay gudaha dalka Itoobiya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah ayaa intii ay ku sugnaayeen deegaanka Yeed waxaa la joogay saraakiil iyo maleeshiyooyin Soomaali ah, kuwaasi oo iyana la filayo in ay saacadaha soo socda ka baxaan deegaanka Yeed.

Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda deeganka Yeed ayaa indhawaalaba waxay ku howlanaayeen sidii ay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ay uga dhaadhicin lahaayeen in ay ka baxaan deegaankaas, hayeeshee lama oga in ay Ciidamada Itoobiyaanka ku baxeen dadaalkii ay odayaashaas wadeen.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay Ciidamo Itoobiyaan ah sidoo kale ka baxeen Deegaanka Kala-Beyr ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay muddo bilooyin ah ku sugnaayeen. Lama oga in ay Ciidamadaas Itoobiyaanka ah ka wada baxeen iyo in ay dib ugu soo noqon doonaan.

Dadka ku dhaqan deegaannada Yeed iyo Kala-Beyr ee ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxeen ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyeen ka bixitaanka Ciidamadaas ee Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in deegaannada Yeed iyo Kala-Beyr ay dadkii deganaa ka barakaceen kaddib markii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo gaareen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya