Maleeshiyooyin Soomaali ah oo samafalayaal Ajnabi ah ka soo af-duubtay gudaha Dalka Kenya

Sabti, July 18, 2009(HOL): Maleeshiyooyin Soomaali ah oo aad u hubeysan ayaa waxay Degmada Mandera ee Gobolka W/Bari-Kenya ka soo qafaasheen Seddex Samafale oo u shaqeynayay Hay'adda Ka Hortagga Gaajada (Action Against Hunger), kuwaasi oo ay Maleeshiyadii af-duubatay ula dhaqaaqday dhinaca Soomaaliya.

"Waxaa naloo sheegay in Maleeshiyooyin Soomaali ah ay gudaha Dalka Kenya ka soo qafaasheen dad Samafalayaal ah kaddibna ay la soo aadeen dhinaca Dalka Soomaaliya. arrintaas baaritaan ayaan ku heynaa"ayuu yiri Shiikh Aadan Maxamed oo ka tirsan Madaxda Maamulka Degmada Buulo Xaawo ee Gobolka Gedo.

Maleeshiyooyinkan Soomaalida ah ee afduubka geystay ayaa la sheegay in ka hor intii aysan raggaas kaxeysan ay rasaas is-weydaarsadeen rag ilaalo ah oo la joogay samafalayaasha la qafaashay kuwaasi oo ay is-rasaaseyn kaddib  ku guuleysteen in ay gudaha u galaan halkii ay ku jireen ragga la qafaashay.

Aadan Wardheere oo ka tirsan  Waxgaradka Degmada Buulo Xaawo ayaa sheegay in kooxaha wax af-duubtay ay dhaawac daran u geysteen mid ka mid ah raggii samafalayaasha ilaalinayay, wuxuuna intaas ku daray in ay maleeshiyooyinkaas la aadeen raggii ay soo qafaasheen dhinaca Soomaaliya.

Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Gobolka Gedo oo shir ku yeeshay Degmada Buulo Xaawo ayaa waxay si kulul u cambaareeyeen af-duubka lagula kacay raggaas samafalayaasha ah, waxayna caddeeyeen in ay ka xun yihiin in la qafaasho dad u samafalayay dad dhibaateysan oo ay gaajo iyo cudurro hayaan. Odayaashan shirka isugu yimid ayaa ka codsaday kooxihii af-duubka geystay in ay si shuruud la'aan ku soo daayaan ragga ay af-duubteen.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dad laga soo qafaashay gudaha dalka Kenya lala soo aado dhinaca Soomaaliya waxayna ahayd mar sii horreysay markii labo Haween ah oo howlo samafal ah u joogay Gobolka W/Bari-Kenya ay sidan oo kale af-duub ugula kaceen rag hubeysan oo Soomaali ah, inkastoo mar dambe ay sii daayeen. Waxaa kale oo jirtay in rag hubeysan oo Soomaali ah ay Gobolka W/Bari Kenya ka soo kaxeysteen gaadiid dhowr ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Af-duubkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ay ku sugan yihiin Ciidamo badan oo Kenyatti ah, kuwaasi oo xadka loo keenay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya