Wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada Baydhabo oo ay gacan ku heynteeda la wareegeen Xoogagga Al-Shabaab

Cabirka Farta

Xoogagga Al-Shabaab oo sii daayay Xildhibaanno ay ku qabteen Baydhabo

Axad, January 25, 2009(HOL):  Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in gacanta ku heynta magaaladaas ay si buuxda ula wareegeen Xoogagga Al-Shabaab.
 
Wararku waxay intaas ku darayaan in xoogagga Al-Shabaab ee magaalada la wareegay ay qabteen Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Maxamed Ibraahim Xaabsade, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow, Guddoomiyaha Gobolka Bay C/fataax Ibraahim Geesey iyo Aadan Saransoor oo ka tirsan Saraakiisha Ammaanka Gobolka Bay.

Xildhibaannada ay qabteen xoogagga Al-Shabaab ayaa wada hadal kadib la sii daayay, waxaana markii la sii daayay ay u dhaqaaqeen dhinaca Gobolka Bakool oo aan la ogeyn halka ay ka sii aadi doonaan.

Waxaa xusid mudneyd in Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Baydhabo ay si weyn u soo dhaweeyeen dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, waxaana caawa markii ugu horeysay si caadi ah u shaqeynaya goobaha ganacsiga, iyadoo intii ay Ciidamada Itoobiyaanka ku sugnaayeen la xiri jiray goobaha ganacsiga xili hore oo galabtii ah.

Waxaa kale oo iyadana xusid mudan in hub aad u badan oo ay wateen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee uu horkacayay Maxamed Ibraahim Xaabsade lagu wareejiyay dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, kaasi oo xoogaggiisa ay haatan gacanta ku hayaan fariisimadii ay Ciidamada Itoobiyaanka ah ka baxeen sida Warshaddii Oomada Xasey, Xarunta Madaxtooyada, Xarunta ADC-da iyo Garoonka Diyaaradaha Baydhabo.

Qabsashada Magaalada Baydhabo ee Xoogagga Al-Shabaab ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo saaka aroortii ay ka baxeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo muddo labo sano ah ku sugnaa, kuwaasi oo u jiheystay dhinaca dalkooda.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee haatan Jibouti ku maqan oo ay Baydhabo fariisin KMG ah ugu ahayd  ayaa haatan wuxuu heystaa farriin ah in uu raadsado meel kale oo uu howshiisa ku sii wato, waxaase laga yaabaa in marka Baarlamaanka la ballaariyo oo ay ku biiraan Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta uu helo xarun kale oo uu ku shiro, taasi oo xitaa noqon karta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia