Maamulka Cusub ee Puntland oo sheegay in uu wax ka qabanayo Burcad Badeedka Soomaalida

Cabirka Farta

Axad, January 25, 2009(HOL):  Kadib Munaasabad xilka loogu wareejinayo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda DGPL ayaa halkaasi lagu soo bandhigay qorshaha maamulka cusub uu kala hor tagayo Burcad badeedda  baryihii u dambaysay dardar xoog leh ku afduubnayay Maraakiibta iyo doomaha ku soo wajahan Puntland.
 
Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Ciise Lade oo maanta lagu wareejiyay xafiiska wasaaraddaasi ayaa ballan ku qaaday in uu is badal ku samayn doono hawsha loo dhiibay, isagoo burcad badeedda uga digay af-duubyada ay ka wadaan xeebaha Puntland.
 
Waxaa uu sheegay Maxamed Ciise Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda in aysan jiri doonin wixii hadda ka danbeeya afduubyo loo gaysto maraakiibta ganacsiga u soo sida magaalada Boosaaso ,iyadoo xiligii xukuumaddii hore la af-duuban jiray doomaha shixnadaha u soo sida Gudaha Puntland
 
"Ma u dul qaadan doono maamulka aan gacanta ku hayo in la hakiyo ganacsiga ummada soomaaliyeed "ayuu ku yiri Wasiir ku xigeenku shir uu ku qabtay dekadda Bosaaso kadib markii xilka lagu wareejiyay.

Dhinaca kale waxaa isna maanta lagu wareejiyay wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda C/kariin Saalax Cali oo ah wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi, iyadoo munaasbad arintaasi ku saabsan ay soo xaadiraan dhamaan agaasimayaashii hore ee wasaaraddaasi iyo kuwa hadda cusub.
 
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia