Ciidamada Itoobiya oo ka wada baxay magaalada Baydhabo iyo cabsi dagaal oo magaaladaas ka jirta

Cabirka Farta

Isniin, January 26, 2009(HOL): Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee mudada labada sano ka badan ku sugnaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa saaka waaberigii halkaas isaga baxay.

Warshaddii Oomada Xasey, Xarunta Madaxtooyada, Suuqa Xoolaha iyo Garoonka Diyaaradaha Baydhabo oo ay Ciidamada ku sugnaayeen ayaa saaka waxay yihiin kuwo aaney ku jirin Ciidamo Itoobiyaan ah, marka laga reebo Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo lagu arkayo gudaha Magaalada.

Xaaladda Magaalada Baydhabo ayaa aad u kacsan, waxaana gebi ahaanba istaagay dhaqdhaqaaqii dadka iyo ganacsiga ee magaalada, iyadoo taasina ay ugu wacan tahay in ay dadka ka baqayaan dagaallo gudaha magaalada ku dhexmara Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Cabsida ay dadka muujinayaan ayaa waxay timid kadib markii xalay uu Idaacadaha Baydhabo ka hadlay Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, kaasi oo sheegay in ay magaalada tegi doonaan, isagoo caddeeyay in aysan wax dagaal ah geli doonin waa haddii buu yiri aanan weerar nalagu soo qaadin.

Waddooyinka soo gala magaalada Baydhabo ayaa lagu arkayaa Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal, kuwaasi oo u muuqda in ay difaac kaga jiraan weerar kaga yimaada dhinaca Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna taasi cabsi weyn ku abuurtay dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Marka laga soo tago in ay dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo qabaan cabsi ah in uu dagaal dhaco, hadana waxay dareemayaan in uu ka degay culeys ay ku hayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo muddo labo sano ah dushooda deganaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia