Isniin, January 26, 2009(HOL): Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka waxay kulan ku yeelanayaan Guriga Umadda ee Jibouti, waxayna kulankoodaas uga doodi doonaan labo qodob oo hor-yaalla, kuwaasi oo go’aan ka gaaristooda ay muhiim u tahay in la soo dhiso Dowlad-Midnimo-Qaran oo loo dhan yahay.
Qodobada horyaalla Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxay kala yihiin in la ballaariyo mudada lagu soo dooranayo Madaxweynaha iyo in la ballaariyo Baarlamaanka, waxayna labadaas qodob ahaayeen kuwo ay Mudanaasha ka doodayeen shalay gelinkii dambe ilaa xalay.
Xildhibaan Macallin Jiis oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in labadaas qodobo oo muhiim ah ay saaka u fariisanayaan, isla markaana ay go’aan ka soo saari doonaan.
Kulanka saaka ee Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor-yaalla mooshin loogu kala codeynayo in mudada doorashada madaxweynaha oo maanta ku beegneyd lagu daro 5 maalmood iyo 7 maalmood, iyadoo sidoo kalena cod loo qaadi doono in baarlamaanka la ballaariyo si ay ugu soo biiraan Xildhibaannada ka imaanaya Isbaheysiag Dib u xoreynta.
Kala soco halkan wixii ka soo baxa shirka ay isugu imaanayaan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ee ka dhacay Guriga Umadda Jibouti.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia