Xaaladda Magaalada Baydhabo oo kacsan iyo Waxgaradka Magaalada oo arrintaas wada hadallo ka leh

Cabirka Farta

Axad, January 25, 2009(HOL):  Xaaladda Magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa aad u kacsan, waxaana kacsanaantaas timid kadib markii ay saaka waaberigii ka baxeen Magaaladaas Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa.
 
Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Maleeshiyooyin Beeleedyo deegaanka ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku hardamayaan gacan ku heynta goobihii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiyaanka, waxaana lagu soo waramayaa in shaqaaqo arrintaas la xiriirtay ay sababtay dhimasho iyo dhaawac aan ilaa iyo haatan helin cadadkeeda.

Wararku waxay intaas ku darayaan in kooxo qamaam ah ay bililiqo u geysteen qeybo ka mid ah madaxtooyada Baydhabo, inkastoo mar dambe lagu guuleystay in la xakameeyo kooxahaas oo u muuqday kuwo ka faa’iideysanayay xaaladda kala guurka ah ee ay gashay magaalada Baydhabo.

Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa haatan waxay kulamo ka leeyihiin sidii wax uga qaban lahaayeen xaaladda magaaladaas oo faraha ka baxday kadib markii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxeen.

Dhanka kalena, Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda Ciidamada Shisheeye ee dalka Soomaaliya ku sugan iyo Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa lagu soo waramayaa in ay iyana ku sii dhawaanahaan Magaalada Baydhabo, iyadoo Afhayeen u hadlay xoogaggaas oo lagu magacaabo Abuu Mansuur uu sheegay in ay si nabadgelyo ku gelayaan Baydhabo, walow uu xusay in ay dagaallami doonaan haddii lala dagaallamo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia