Isniin, January 26, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa sheegaya in xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay la wareegeen Xarunta KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Xoogagga Al-Shabaab ay bililiqo ka joojiyeen markii ay tageen Xarunta ADC-da ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo kadibna u dhaqaaqay dhinaca madaxtooyada.
Waxaa jira warar sheegaya in ay Xoogagga Al-Shabaab sidoo kale la wareegeen Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, halkaasi oo ay saaka aroortii ka baxeen Ciidamo Itoobiyaan ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhabo naga soo gaarayna waxay sheegayaan in gudaha magaalada haatan laga maqlayo rasaas ay is-weydaarsanayaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Maleeshiyooyin Deegaanka ah oo isku dhinac ah iyo Xoogagga Al-Shabaab.
Xaaladda magaalada ayaa haatan kacsan, waxayna dadka ka cabsi qabaan in uu dushooda ka dhaco dagaal xooggan oo khasaare uu ka soo gaaro. Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Baydhabo kala soco halkan haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia