![]() |
| Guddoonka Baarlamaanka -Photo by: Maxamed Allman |
Kulan ay maanta ku yeesheen Mudanayaasha Baarlamaanka Guriga Umadda ee Jibouti ayaa 220 Mudane oo ka qeybgashay waxay 211 Mudane oo ka mid ah ay u codeeyeen in Baarlamaanka la ballaariyo, halka 6 mudane ay diideen, 3 mudane oo kalena ay ka aamuseen.
Intii aanu kulankaas furmin ayaa waxaa mudanayaasha Baarlamaanka la hadlay Ergayga Dowladda Jibouti u qaabilsan Wada hadallada Soomaalida, ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Md. Xaamid Cabdi Suldaan, wuxuuna u sheegay Mudanayaasha Baarlamaaka Soomaaliya in looga fadhiyo in ay Baarlamaanka ballaariyaan.
![]() |
| Mudanayaasha Baarlamaanka-Photo by: Maxamed Allman |
Maanta gelinka dambe ayaa la filayaa in ay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya kulan kale isugu yimaadaan, isla markaana ay ka doodaan in waqti lagu daro mudadii doorashada madaxweynaha oo aad u soo dhawaatay, waxaana la sheegayaa in lagu dari doono todobaad ama toban maalmood.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia

