21-ka Janaayo: Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed

Arbaco, January 21, 2009(HOL): Isbaheysiga difaaca xoriyadda ra’yiga Soomaaliyeed (SOCFEX) wuxuu hambalyo u dirayaa dhammaan bahda Saxaafadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan munaasabadda maalinta saxaafadda xorta ah ee 21-ka Janaayo oo ku beegan maanta.

 

Saxaafadda xorta ah ee Soomaaliyeed waxay ku shaqeysaa xaalad aad u adag waxayna bulshada Soomaaliyeed ugu jirtaa kaalin weyn iyadoo buuxisay baahidii ay bulshada u qabtay inay hesho akhbaar, macluumaadka ay u baahan tahay, aqoon kororsi iyo madadaallo.

 

Waxaa nasiib darro ah in dhibaatooyin badan iyo tacadiyo ay la soo gudboonaadeen Saxaafadda iyo saxafiyiinta Soomaaliyeed xilliyadan adag ee dalku ku jiro, sanadkii la soo dhaafay ee 2008-da waxay SOCFEX diiwaan gelisay tacadiyo gaaraya 100 oo isugu jira, saxafiyiin la dilay, kuwo la dhaawacay, qaar la xiray, saxafiyiin la afduubtay, la jir dilay, tiro kale oo la weeraray, sidoo kale xarumo warbaahineed la xiray, la duqeeyay, loo hanjabay ama la weeraray.

 

Tacadiyada saxafiyiinta iyo warbaahinta loo geystay sanadkii 2008 waxay kala yihiin:

Saxafiyiinta la dilay

Saxafiyiinta la dhaawacay

Saxafiyiinta la xiray

Saxafiyiinta la afduubay

Saxafiyiinta la jir dilay

Saxafiyiinta la weerary

Total

2

8

37

9

21

23

79

Warbaahin la xiray

Warbaahin la weeraray

Warbaahin la duqeeyay

Warbaahin loo hanjabay

Total

 

 

8

2

4

7

21

Grand Total

100








Waxaa nasiib darro ah inay weli sii socdaan tacadiyada loo geysanayo saxafiyiinta, waxaana sanadkan 2009-ka durba la dilay saxafi Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Xasan Mayow Xasan iyadoo aanay jirin cid wax ka qabaneysa dembiilayaasha dhibaateynta saxafiyiinta gacanta kula jira.

 

SOCFEX iyadoo bahda saxaafadda xorta ah ee Soomaaliyeed la qeybsaneysa xuska maalintan qiimaha leh, waxay soo jeedineysaa baaqa soo socda:

 

BAAQ:

 

1.In la joojiyo tacadiyada lagu hayo saxafiyiinta iyo saxaafadda oo la sii daayo saxafiyiinta afduubka loogu heysto gudaha dalka, dibna loo furo warbaahinta xiran.

 

2.In dhammaan maamulada, kooxaha iyo garabyada siyaasadeed ee dalka ka jira ay dhowraan madax bannaanida Saxaafadda, una fududeeyaan shaqadooda.

 

3.In Bulshada Soomaaliyeed taageero la garab istaagto warbaahinta xorta ah oo ah iftiin ay heystaan.

 

4.In Warbaahinta iyo Saxafiyiintu ku shaqeeyaan anshax saxaafadeed, kuna hagaan umadda Soomaaliyeed sidii dhibaatooyinka jira looga bixi lahaa. 

 

5.In ururrada caalamiga ah iyo beesha caalamku taageeraan warbaahinta madaxa bannaan ee Soomaaliyeed oo ku shaqeysa xaalad adag.

Halkan ka aqriso iyadoo pdf ah
Shariif Macallin Maxamed

[email protected]

Mogadishu, Somalia