Maxaa ka jira in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu magangalyo warsaday Dowladda Yemen?

Arbaco, January 21, 2009(HOL): Shalay waxaa Magaalada Sanca ee Dalka Yemen gaaray Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo xubno ka tirsan qoyskiisa, waxaana socdaalka madaxweyne Yuusuf ee Yemen ka soo baxay warar is-khilaafsan.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu halkaas u tegay sidii uu Dowladda Yemen u weydiisan lahaa magan-galyo siyaasadeed, halka warar kalena ay sheegayaan in booqashadiisa ay tahay mid saaxibtinimo ah, isla markaana uu uga sii gudbi doono dalal kale oo Khaliijka ka tirsan iyo weliba Dalka Britain.

Warar ku saabsan in Madaxweyne Yuusuf Magangalyo warsanayo Dowladda Yemen ayaa waxaa shaacisay qaar ka mid ah Warbaahinta Dalka Yemen oo soo xiganeysay mid ka mid ah saraakiisha ugu dhow dhow Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, kaasi oo diiday in la shaaciyo magaciisa.

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku saabsan waxa ka jira warkan ku saabsan in uu magangalyo warsanayo Dowladda Yemen.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dhawaan wuxuu iska casilay xilkii Madaxweynenimada Soomaaliya kadib markii uu cadaadis uga yimid dhinaca Beesha Caalamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia