Abwaan Abshir Bacadle oo sheegay in uu galay Hunguri Madaxweynenimo (Sababtu maxay tahay?)

Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle
Arbaco, January 21, 2009(HOL): Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu galay hunguri madaxweynenimo, wuxuuna taasi u sameeyay sabab.

Abwaanka ayaa sheegay in kadib markii uu arkay in rag dembiyo ka galay dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay madaxweyne isu soo taageen, isla markaana ay taasi kalsooni ku qabaan uu isagana galay hunguri ah in uu xilkaas isu soo taago, wuxuuna caddeeyay in uu musharax u yahay dadka tirada badan ee mehradaha ganacsi ku heysta Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

“Aniga madaxweynenimada kama doonayo Baydhabo iyo Jibouti ee waxaan ka doonanayaa Suuqa Bakaaraha, waxaana ahay madaxweynaha Surwaalka gaaban ee Suuqa Bakaaraha jooga”ayuu yiri Abwaan Abshir Bacadle.

Intaas kadib Abwaanka waxaa uu ka digay in madaxweynenimada Soomaaliya loo soo doorto dad dembiyo ka galay Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in haddii ay taasi dhacdo ay sii socon doonaan dhibaatooyinkii keenay in la dagaallamo.

Dhanka kalena, Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle ayaa ugu baaqay Xoogagga Muqaawamada in ay u dhego-nuglaadaan baaqyada ay jeedinayaan Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku saabsan in aanu dagaal dambe ka dhicin magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia