Dowladda Yemen oo magan-galyo siisay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed
Arbaco, January 21, 2009(HOL): Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa magangalyo siyaasadeed ka helay Dowladda Yemen, waa sida ay qortay Wakaaladda Wararaka AFP oo soo xiganeysay ilo wareedyo ku dhow dhow Dowladda Yemen.

Warka ayaa wuxuu intaas ku darayaa in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Qoyskiisa xalay guri rasmi ah laga siiyay Dalka Yemen, halkaasi oo uu ku noolaan doono.

C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa xilka Madaxweynenimada Soomaaliya iska casilay 29-kii December 2008, iyadoo kadibna uu u dhoofay deegaannada Puntland oo uu ku sugnaa ilaa shalay oo uu Magaalada Gaalkacyo ka aaday Dalka Yemen.

Is-casilaadda C/llaahi Yuusuf ayaa timid kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), kaasi oo uu mar isku dayay in uu xilka ka qaado, hayeeshee Baarlamaanka Soomaaliya kalsooni ka helay.

Ku hardanka awoodaha iyo isku dhacyada ayaa Soomaaliya la degay tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 1991-kii xiligaasi oo ay  burburay Dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia