Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaallo shalay ka dhacay magaalada Muqdisho

Arbaco, January 21, 2009(HOL): Warar dheeraad ah ayaa waxay ka soo baxayaan dagaallo shalay ka dhacay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalladaasina ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Dagaal ka dhacay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley oo dhexmaray Ciidamada Maamulka Degmooyinkaas iyo Xoogag taabacsan Jabhul Islaamiya ayaa waxaa uu geystay khasaare dhimasho ah oo gaaraya 10 ruux iyo dhaawac intaas ka badan, iyadoo sidoo kalena uu jiro burbur hantiyeed oo uu dagaalkaas sababay.

Dadka ku dhaqan Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenley ayaa hadda waxay bilaabeen in ay guryahooda ka barakacaan, iyagoo ka baqaya in ay dib dushooda uga qarxaan dagaallo kale oo labadan dhinac u dhaxeeya.

Dagaal kale oo shalay gelinkii dambe ka dhacay Isgoyska Sanca oo kala qeybiya Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ayaa ilaa iyo haatan la soo sheegay in uu geystay khasaare dhimasho ah oo ruux ah iyo dhaawaca seddex ruux oo kale, kuwaasi oo ay haleeshay rasaastii ay dhinacyada dagaallamay isku ridayeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Isgoyska Sanca ayaa waxay sheegayaan in ay jirto waan-waan laga dhex wado dhinacyada dagaallamay, iyadoo waan waantaasna ay wadaan Odayaal, Waxgaradka iyo Culumaa’udiin deegaanka ah, kuwaasi oo ku dadaalaya sidii ay u baahin lahaayeen dagaal kale oo dhaca.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia