
Arbaco, January 21, 2009(HOL): Drs. Caasho Xaaji Cilmi oo si weyn ugu ololeysa badbaadinta Haweenka iyo Caruurta Soomaaliyeed ayaa maanta waxay deeq lacageed gaarsiisay Haween ku waxyeeloobay Qarax Miino oo 3-dii Agoosto 2008 ku qabsaday Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.
Haweenka Deeqdan la gaarsiiyay oo tiradoodu dhameyd 60 Haween ah ayaa waxaa lacagtaas guddoonsiisay Caasho Shaacuur Ugaas oo xubin ka ah Guddi wakiil ka ahaa Caasho Xaaji Cilmi oo u xil-saarnaa in ay lacagtaas u qeybiyaan Haweenkii Qaraxa ku waxyeeloobay.
![]() |
| Drs. Caasha Xaaji Cilmi |
Marwo Caasha Shaacuur Ugaas ayaa intii ay Deeqda Lacageed gudoonsiinaysay Haweenkaas waxay u mahadcelisay Drs. Caasha Xaaji Cilmi oo ay ku amaantay in ay u taagan tahay mar walba wax u qabashada haweenka tabaaleysan sidaas awgeedna ay mudan tahay in lagu daydo tallaabada wax u qabadka haweenka iyo dhallaanka barakacayaasha kuwa bukaanka ah sidoo kale waxay carrabka ku dhufatay in Drs. Caasha Xaaji Cilmi lagu xasuusto inay wax bartay gabdho badan intii u dhaxeysay sanadihii 2000-2008 qaarkoodna ay ugu deeqday deeq wax barasho oo ilaa heer jaamacadeed ah.
Caasho Shaacuur waxay ka codsatay Gabdhaha Soomaaliyeed ee la midka ah Caasho Xaaji Cilmi in ay u soo gurmadaan walaalahooda ku dhibaateysan gudaha Dalka Soomaaliya.
Mulki Cabdulle Tifoow oo u hadashay haweenkii deeqdaas loo qeybiyay ayaa u mahad celisay Caasha Xaaji Cilmi iyadoo baaqna u dirtay haweenka ku nool qurbaha in walaalahooda Soomaaliyeed sida Drs. Caasha Xaaji Cilmi ay u soo gurmadaan, sidoo kalena waxay ka codsatay dhammaan Ummada Soomaaliyeed maadaama cadowgii dalka ka baxay iyagana ay maanta lixdooda lixaad ay ku waayeen qarax aan dib loogu celin madaafiic iyo qaraxyo kale, iyadoo inta hubka sidatana ka codsatay in ay hubka dhigaan isla markaana hubka lacagta ay ku bixinayaan ay ku bixiyaan dadka walalahood ah ee tabaalaysan iyo dib u dhiska dalkooda.
Deeqdaas lacageed ee ay Drs. Caasha Xaaji Cilmi u soo dhirtay Haweenkaas Dhibanayaasha ah iyo kuwii naftooda ku waayay waxay ka dambeeysay markii la guddoonsiiyay bilad sharafta lagu magacaaba Right Livelihood Award ee micnaheedu yahay (Marinta Xaqa Nolosha) siiyey in ay xasuusato gabdhaha Soomaaliyeed ee xubnahooda ku waayey qaraxaas.






Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
