Qaar ka mid ah Degmooyinkii ay Dadka u barakici jireen intii ay Muqdisho ka socdeen dagaalladii Ciidamada Itoobiya lala galay oo hadda laga sii barakayo

Arbaco, January 21, 2009(HOL): Waxaa barakac uu ka bilowday xaafado ay dadka u barakici jireen intii ay Muqdisho ka socdeen dagaalladii lala galay Ciidamada Itoobiya ee mudada labada sano ah ku sugnaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xaafadaha laga barakacayo ayaa waxay ka tirsan yihiin Degmooyinka Wadajir, Dharkeenley, Shibis, Yaaqshiid iyo Kaaraan, waxaana xusid mudan in Degmooyinkan ay ahaayeen kuwo nabad ah oo ay dadka u barakici  jireen intii ay dagaallada socdeen.

Barakaca dadkan ayaa waxay ku soo beegmeen iyadoo dadkii ka soo barakacay qeybo ka mid ah Degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid, Hodan, Howl-Wadaag  aysan weli guryahoodii ku noqon, waxayna taasi noqoneysaa in dad horay u soo barakacay ay sii barakacaan.

Qeybo ka mid ah Degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir ayaa shalay iyo dorraad waxaa ka dhacayay dagaallo u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata maamullada degmooyinkaas iyo xoogag ka amar qaata Jabhul Islaamiya, halka qeybo ka mid ah Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaran-na ay shalay ka dhaceen dagaallo dhexmaray Ciidamo ka amar qaata maamulka Gobolka Banaadir iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dagaalladan barakaca sababay ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo Magaalada Muqdisho ay ka yaraadeen dagaalladii joogtada uga dhici jiray, kuwaasi oo dhexmari jiray Xoogagga Muqaawamada iyo Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka oo isku dhinac ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia