Jimco, January 16, 2009(HOL) - Dawlada wadanka Yemen ayaa sheegtay in afar nin oo Burcad badeed Soomaali ah ay u soo gacan galinayso Maamulka Puntland ka dib markii ragaasi laga soo qabtay xeebaha gacanka cadmeed xili ay wadeen falal
burcad nimo ah.
Ku xigeenka qunsulka guud ee Somalia Cadan u fadhiya oo waramayay Idaacadaha Bosaaso ayaa sheegay in afartaasi nin maalmo ka dib lagu soo wareejin doono maamulka Puntland si loogu qaado danbiga ay ka
galeen umada soomaaliyeed iyo waliba dunida inteeda kale.
Waxa uu intaasi ku daray Masuulkaasi in dawlada yemen ay gacanta ku hayso in ka badan 13 nin oo burcad badeed Soomaali ah ,isagoo sheegay in Soomaalida yemen ay cadaadis dhanka nolosha ah la kulmaan burcadda awgeed.
Afarta nin waxaa markii hore xeebaha gacanka cadmeed ka qabtay Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Jarmalka ,kaasi oo xeebaha soomalia loo keenay in uu la dagaalamo burcad badeeda.
Dhawaan ayey ahayd markii ciidamada bada ee dalka France ay mamulka Puntland u soo gacan galiyeen 19 nin oo burcad badeeed ah ,kuwaasi oo laga soo qabtay xeebaha Gacanka Cadmeed,Waxaana arimahaan ay ku soo beegmayaan ,iyadoo degmada Ayl afduub loogu haysto maraakiib shisheeye.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Somalia