Ciidamada Booliska Somaliland oo soo furtay Macallin Masaari ah oo lagu afduubay Magaalada Burco

Jimco, January 16, 2009(HOL): Ciidamada Booliska Somaliland ayaa furtay Macalin Masaari ah oo dorraad lagu afdubay Magaalada Burco ee gobolka Togdheer, ka dib markii ay labadii maalmood ee tegay ku daba jireen baadi-goobkiisa.

Macalinkan Masriga ah oo lagu magacaabo Maxamed Mustafe, isla markaana wax ka dhigi jiray Dugsiyada Dawladda ee Magaalada Burco ayaa dabley Hubaysani Talaadadii ka afduubeen Magaalada Burco, waqti uu Salaaddii Casar Masjidka ku socday, kuwaas oo ula kacay dhinaca Waqooyi-bari ee Deegaanka Murriye, waxaana la sheegay inay markii dambe ula kaceen dhinaca Deegaanka Ceel-dheer. Halkaas oo siday Wararku sheegayaan ay Weerar ku qaadeen Ciidamada Booliska Somaliland, isla markaana ay ku guulaysteen inay soo furtaan Macalinka Masaariga ah.

Wararku waxay intaa ku dareen in Budhcadii ay baxsadeen, isla markaana ay Ciidanka Somaliland ku daba jiraan, iyada oo Macalinkii Masriga ahaana la keenay Magaalada Burco.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland