Dadka Muqdisho oo markii ugu horeysay maanta banaanbax isugu imaanaya kadib bixitaankii Ciidamada Itoobiya

Jimco, January 16, 2009(HOL): Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa maanta markii ugu horeysay waxay isugu imaanayaan isu soo baxoodii ugu weynaa, iyadoo aaney is-karin muddo labo sanadood ah oo ay Muqdisho ku sugnaayeen Ciidamo Itoobiyaan ah.

Banaanbaxan ayaa waxaa shaaciyay Shiikh Nuur Baruud Gurxan oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaano Soomaaliya, wuxuuna sheegay in isu soo baxaas uu yahay mid dadka Muqdisho ay isaga wareysanayaan isbedelka dhacay iyo  tallaabta la qaadayo.

Shiikh Nuur Baaruud waxaa uu sheegay in Banaanbaxan loogu magac-daray MAALINTA GUUSHA, wuxuuna dadka Soomaaliyeed ka codsaday in ay Salaadda Jimcaha kadib isugu yimaadaan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, halkaasi oo ay dhawaan ka baxeen Ciidamo Itoobiyaan ah.

“Dadka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Magaalada Muqdisho waxaa waajib ku ah in ay Allaah uga mahad-naqaan guusha uu siiyay, isla markaana ay ugu towbad keenaan”ayuu yiri Shiikh Nuur Baaruud Gurxan.

Dadka Muqdisho oo ay Ciidamada Itoobiyaanka kala dhumiyeen labo sano ka hor ayaa maanta kuwii ka badbaaday dagaalladii Muqdisho ka dhacay waxay isku arki doonaan Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium, iyadoo ay iska caddahay in ay halkaas isugu imaan doonaan dad badan oo ay waqti hore isugu dambeysay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia