Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya oo qaban-qaabiyay Shir looga hadlayo is-bedelka ku yimid Magaalada Muqdisho

Jimco, January 16, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ahna Wasiirka Warfaafinta, Dhalinyarada iyo Isboortiga Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan ayaa wuxuu shir loog ahadlayay is-bedelka Muqdisho ku yimid  ku qabtay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Shirkaas oo heer Beeleed ahaa ayaa waxaa isugu yimid Siyaasiyiin, Oday Dhaqameedyo, Saraakiil Ciidan Waxgarad, Culumaa’udiin, Haween iyo Dhalinyaro ka socday Beesha Habar-gidir, waxaana looga hadlayay halka looga dhaqaaqayo halka maanta la taagan yahay oo ah in ay Ciidamada Itoobiya ka baxeen Magaalada Muqdisho, Dalka Soomaaliya ay ka wada bixi doonaan.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Axmed Cabdi Salaan Xaaji Aadan ayaa ka hadlay shirkaas waxaana uu sheegay waxa la gudboon shacabka Soomaaliyeed mar haddii ay baxeen Ciidamada Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in uu meesha ka baxo khilaafkii siyaasiga ahaa, isla markaana la wajaho sidii xabadda loo joojin lahaa, ammaanka loo sugi lahaa, goobihii waxbarashada iyo ganacsiga ee dagaallada ku xirmayna dib loogu furi lahaa.

“Maanta waxaa furan Siyaasad qof kasta oo Soomaaliyeed miiska u saaran, qof walbana uu miiska dhinac kala soo fariisto talada uu hayo, sidaasna uu ku baxo khilaafkii siyaasiga ahaa dhibaatada badan keenay”ayuu yiri Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo ku baaqay in la iska cafiyo wixii dadka Soomaaliyeed kala gaaray.

Halkan ka dhegeyso
Hadalka Axmed C/salaan

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa isna ka hadlay Shirka, wuxuuna sheegay in kadib bixitaankii Itoobiya uu u muuqdo sawir la mid ah  midkii ay dadka Soomaaliyeed ku jireen 1991-kii, xiligaas oo jabhado la dagaallamay dowladdii Maxamed Siyaad Barre ay xukunkii hanan waayeen, sidaasna ay ku dhaceen dagaallo sokeeye oo maanta laga shalaayo.

Wuxuu sheegay C/qeybdiid in markii Dowladdaas la riday uu qof walba qabsaday meeshii uu daneynayay, gaar ahaan xeryaha Ciidamada, Bangiga, Garoonka Diyaaradaha, Dekedda iyo meelo kale, wuxuuna caddeeyay in la doonayay in dhibaato laga baxo, hayeeshee la galay dhibaato hor leh oo maanta 19 sano jir ah.

“Si la mid ah kala orodkii iyo is-barbar-yaacii 1991-kii ayaa hadda ii muuqda waayo meelihii ay ka baxeen Ciidamada Itoobiya waxaa qabsashadeeda u kala hormarayaan xoogaggii la dagaallamayay Ciidamadaas, Warshaddii Baastada qolo ayaa qabsatay, Garoonka Kubadda Cagta qolo kale ayaa qabsatay, Gaashaandhigga qolo ayaa qabsaday, Saldhigyadii bulshada loogu shaqeynayay qolooyin kale ayaa qabsanaya”ayuu yiri C/qeybdiid oo ku baaqay in xabadda la joojiyo, in is-dilka la daayo, in miiska wada hadalka la isugu yimaado.

Halkan ka dhegeyso
Hadalka Cabdi Qeybdiid

Waxaa isna Shirkaas ka hadlay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali. Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in Ciidamadii Itoobiya ee dalka ka baxay lagu saaray xabad iyo wada hadal, wuxuuna carrabka ku dhuftay in haddii ay ciidamadaas baxeen looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed in ay aayahooda ka tashadaan oo ay wada hadlaan.

“Cadawga Soomaaliyeed iyo Cadawga Illaahey Itoobiya ayay ahayd, waxaa Itoobiya bedelaya oo Cadawga Ilaahey iyo Cadawga Soomaaliyeed noqonaya oo magacaas qaadanaya qofkii xabad ka rida Muqdisho”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo sidoo kale ka digay in Xabad lagu rido Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

“Ciidamada Uganda iyo Burundi xuduud nalama lahan, meeshooda ayay iska joogaan, haddii ay dadkan heshiiyaana wey iska baxayaan garoonka diyaaradaha ayay ka dhoofayaan”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo ku baaqay in Qoriga Xamar yaalla xabadda laga saaro, isla markaana wada hadal loo soo fariisto.

Halkan ka dhegeyso
Hadalka Axmed Diiriye

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia