Jimco, January 16, 2009(HOL): Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xalay halkaas isaga baxay, iyagoo u jiheystay dhinaca Wadada isku xirta Afgooye iyo Baydhabo.
Ciidamadan oo isugu jiray kuwo horay ugu sugnaa Degmada Afgooye iyo kuwo Muqdisho ka baxay oo halkaas isku uruursanayay ayaa gebi ahaanba ka wada baxay Degmadaas oo ay kaga sugnaayeen Beerta C/raxmaan Jaamac Barre iyo Buundada Degmada Afgooye.
Dadweyne aad u faro badan ayaa saaka markii uu waaga baryay kadib halkaas isugu soo baxay, waxayna kula kulmeen meelihii ay Ciidamada ka baxeen qashin iyo dhar iyo alaabo u muuqday in ay Ciidamada Itoobiya isticmaalkooda ka maarmeen.
Ciidamada Itoobiya oo aan fariisin ku lahayn inta u dhaxeysa Afgooye iyo Baydhabo ayaa waxay gaari doonaan saldhigga ay ku leeyihiin Magaalada Baydhabo, halkaasi oo aan la ogeyn in ay ku hakan doonaan iyo in ay ka sii gudbi doonaan.
Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ayaa waxay dareemayaan in uu ka degay culeysyo badan oo ay ku hayeen Ciidamada Itoobiya, kuwaasi oo isugu jiray dagaallo madaafiicda goobta loo adeegsado iyo howlgallo dhibaatooyin wata oo ay xaafadahooda ka dhex sameyn jireen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia